Xaaladda Xabsiyada Maamulka Hir-Shabeelle oo Laga Deyrinaayo+dad ku dhintey

0
39

Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan Kheyraat wasiirka garsoorka iyo diinta maamul goboleedka hir-shabeelle ayaa sheegay in aay aad u liidato xaalada caafimaad ee maxaabiista ku xiran xabsiyada maamul goboleedkaasi.

Wasiirka ayaa sheegey in dhawaan uu ku tagay socdaal xabsiyada hir-shabeele isla markaasne uu kusoo arkay maxaabiis xaladooda cafimaad aay aad u liidato ayna u baahanyahiin in lala soo gaaro gargaar bina’aadanimo.

Socdaalka wasiir kheyraat uu ku tagay magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar ayaa ujeedadiisu ahayd u kuur gelida xaalada maxaabiista ku xiran magaalooyinkaasi waxaane uu sheegey in xabsiyadaasi aanan la dayactirin in mudo ah ayna u baahanyahiin in la dayactiro.

Wasiirka ayaa sheegey in uu soo arkay qol yr oo ay ku xiranyahiin 25 maxbuus waxuune sheegey in aay tahay arrin dhalin karta xaalad caafimaad.

Wasiir kheyraat oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in maamulka hir-shabeelle ay qorsheynaayan sidii ay wax uga qaban lahayen baahiyada maxaabiist ku xir-xiran hir-shabeele ayna ku tala jiran sidii aay u bari lahyeen farsamooyinka gacanta si buu yir aay wax ugu qabsadaan kolkay xabsiyada ka baxaan.

Ugu dambeyntiina wasiirka cadaalada iyo diinta maamul goboleedka hir-shabeelle ayaa sheegay in wasaaradu ay ahmiya siin doonto sidii bulshada ku dhaqan hir-shabeelle aay u heli lahaayeyn cadaalad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here