Wax Wada-hadal ah Uma Bilaabanin Galmudug iyo Ahlusuna

0
41

Maamulka Galmudug ayaa si kulul u beeniyay wararka ku aadan in Maanta magaalada Muqdisho uu ka furmayo wada-hadal u dhaxeeya Mamulada Ahlusuna Waljameeca iyo Galmudug islamarkaana Guddiyo ka socda labada dhinac ay ku sugan Yihiin Magalada.

Wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshisiinta Galmudug Cismaan Cali Socdaal (Cismaan dheere) oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararka ku aadan in maanta Magaalada muqdisho lagu qabanayo wada-hadalka u dhaxeeya Mamulada Ahlusuna Waljameeca iyo Galmudug.

Cismaan Cali Socdaal (Cismaan dheere) ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan jirin wafdi ka socda dhanka Galmudug oo haatan ku sugan Magaalada muqdisho, kaliyahna ay ku sugan Yihiin dhanka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here