Wasiirka ugu saameynta Badan Xukumada Kheyre oo arin lama filaan ah Muqdisho ka sameeyay

0
30

Wasiirka cusub ee maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyleh oo maanta ku yara “caajisay” xafiiska ayaa lugo-baxsi waxa uu u aaday magaalada hoose iyo halkii uu waayo-waayo ku baashaali jiray, isagoona goobaha uu booqday ka mid ahaa baarka caanka ee “Cafe Nazonale”

Wasiirka ayaa luga-baxsigiisa waxaa ku wehliyay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddiisa, waxaana uu sheegay in booqashadiisan ay aheyd mid uu ku dhex-galayay bulshada.

Wasiir Beyleh oo ka mid ah wasiirada ugu dhaq-dhaqaaqa iyo wax-qabadka badan xukuumaddan cusub iyo tii ka horreysayba ayaanan ku ekeyn oo keliya jagadiisa wasiirnimo, waxaa uu sidoo kale yahay shakhsi bulshada guubaabiya qorana heesaha iyo gabayada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here