Wasiirka Amniga Oo Xariga Ka Jaray Hab Raac Cusub

0
31

Maxmed Abuukar Islow (Ducaale) Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa maanta xariga ka jaray hab-raaca cusub ee qaadashada Baasaboorka Soomaaliya, kadib markii uu kormeer ku tagay xarunta bixinta Baasaboorada Soomaaliya.

wasiir Ducaale goobaha kale ee uu kormeerka ku tagay waxaa kamid ah xafiisyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Sida Xafiiska Hubinta Muwaadinimada, Xafiiska Qadashada basaboorka, Xafiiska Daabacaada, Xafiiska Keydka, iyo Xafiiska Shaqada iyo shaqaalaha.

kormeerka wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow (Ducaale) uu ku kormeeray xafiisyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxaa kormeerkiisa ku wehlinaaye Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

wasiirka oo warbaahinta la hadlay kormeerka kadib ayaa sheegay in kormeerkaasi uu ahaa mid uu ugu kuur galaayey shaqada ay qabtaan xafiisyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

hab raacaan cusub ayaa lagu doonayaa in kor loogu qaado sumcada baasaboorka soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here