Wasaaradda Amniga oo Soo Bandhigtay Qorshe Loogu Magac-daray Xalinta Caasimada Dalka

0
49

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo maanta xilka kala wareegay wasiirkii Hore ee Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in uu la imaanayo Qorshe cusub oo wax looga qabanayo Amniga guud ee dalka iyo kan Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa tilmaamay in Muqdisho ay dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay ay marti galisay qaraxyo iyo dilal qorshaysan islamarkaana wasaaradiisa ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu magacaabo xalinta Caasimada dalka.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inta uu Xilka haayey inay wax badan u qabsoomeen sidoo kale looga baahan yahay Wasiirka Cusub in uu halkaas ka sii wado.

Xil wareejita oo ka dhacday Xarunta iskuul buluusiyo ee Degmada Xamar Jajab waxa ka qeyb galay Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xeer illaaliyaha Qaranka, Xildhibaano, Taliyaasha Ciidanka Bolice-ka iyo Nabad Sugidda iyo Masuuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here