War Deg:Deg:-13-Qof oo Hadda Ku Geeriyooday Magaalada Kadib Markii…….(Aqriso Sababta+Xaaladda).

0
28

Warar Soo baxaya Caawa ayaa Sheegaya in goor dhaw oo caawa ah gudaha Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ay cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyootay 13 ruux, waxaana ay isugu jireen caruur iyo Dad Da’ah.

Sidoo kale waxaa hada goobaha caafimaada cudurka shuban biyoodka u jiifa 36 Qof, intaasi waxaa sii dheer dadka xanuunka haya ee aan soo gaarin goobaha caafimaadka.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa waxa ay sheegayaan hadii dadkan aysan helin gar gaar deg deg ah in xaaladooda caafimaad ay ka sii darto oo ay suuragl tahay in ay geeriyoodaan.

Dadkan oo aan biyo nadiif ah heysan ayaa sabab u ah shuban dilaacay maadaama kuleel badan uu jiro, dadkana ay u baahan yihiin in ay helaan biyo nadiif ah oo ay cabaan.

Tirada dhimashada shubanka sababay ayaa kordheysa, waxaana dhaqaatiirta ay ku dadaalayaan in ay badbaadiyaan inta uu hada shubanka soo ritay ee jiifa goobaha caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here