War Deg Deg:-Weerar Goordhaweyd ka dhacay Magaaladaa……………..

0
40

Ciidamada Xarakada Al-shaabab ayaa saakay aroortii weerar gaadmo ahaa waxa ay ku qaadeen deegaan u dhow Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaliya.

Wakiil wareedka idaacadda Simba ee Magaalada Beledweyne C/qaadir Nadaara ayaa kusoo waramaya in saakay subaxii hore la maqlay rasaas xoogan iyo hubka culus islamarkaana weerarka uu ka dhacay Kontorool ay Ciidamada Dowladda Soomaliya lacago canshuur ah ay ku qaadayeen.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Al-shabaab diiqado kadib ay u suurta gashay in ay la wareegaan kontoroolkii ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku yaala duleedka Magaalada Beledweyne.

Ilaaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here