War Deg Deg:-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Mas’uuliyiin Kale oo Shil Gaari Galay+magacyadooda======

0
43

Wararka haatan ka imanaaya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somali-land ayaa ku waramaya in wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Xukuumadda Somaliland Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan) iyo xubno la socday ay shil gaari ku galeen waddada u dhaxaysa Magaalooyinka Hargeysa Iyo Gabiley.
Sida ay sheegayaan wararku ka imaanaya Magaalada Hargeysa, shilkaasi gaari ayuu dhaawac fudud ka soo gaaray laba ka mid ah ilaalada wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta, iyada oo aanu shilkaas waxba ku noqon wasiirka, darawalkiisii iyo siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo ka mid ahaa xubnaha Wasiirka wehelinayey.
Sidoo kale Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Xukuumadda Somaliland Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan) iyo xubnaha la socday ayaa kasoo laabtay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal oo Mudooyinkii dambe ay howlo shaqo ay ku joogeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here