War Deg Deg:- Tiro Shacab ahaa oo ku Dhamaaday Qaraxii Wasaarada Gaashaandhiga

0
41

Inta la xaqiijiyay 15-ruux oo shacab ahaa ayaa wax ku noqday qarax gaari loo adeegsaday oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga Dowladda Somaliya oo ku taala Degmada Deyniile ee Gobolka banaadir.

Qaraxa ayaa la doonayay in lagu qaarijiyo kolonyo uu la socday  taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal Maxamed Jimcaale Cirfiid, dadka wax ku noqday qaraxa ayaa la socday gaari caasi ahaa oo marayay wadada, waxayna la kulmeen qaraxa wadada ka dhacay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kolonyadda Ciidan uu sidoo kale la socday wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhig C/rashiid C/llaahi Maxamed, balse lama oga waxyeelada qaraxa kasoo gaartay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here