War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay duleedka Magaalada muqdisho………

0
74

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha heer Qaran ee dalka Soomaaliya oo Goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in kolonyo ay la socdeen Guddiga oo kusii jeeday duleedka magaalada Muqdisho in lala eegtay qarax Miino oo la dhigay wadada dhinaceeda.

Waxa uu sheegay in kolonyada ay kamid ahaayeen Xubno kamid ah gurmadka abaaraha heer Qaran ee dalka Soomaaliya, agaasimiyaal ka Tirsan Maamulka gobolka banaadir, iyo Madax ka tirsan Imaaraadka Carabta islamarkaana ay kusii jeedeen duleedka magaalada muqdisho oo ay ku sugan yihiin dad Barakacayal ah.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha heer Qaran ee dalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in qaraxa uu qabsaday gaari ay la socdeen Agaasimiyaal ka Tirsan Maamulka gobolka Banaadir islamarkaana uusan geysanin wax qasaaro ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here