War Deg Deg:-Madaxweyne Farmaajo oo Goordhaweyd Magacaabay Xil Muhiim ah

0
133

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu magaacabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Mudane Yuusuf Jaalle si rasmi ah loogu magacaabay xilka Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada, iyadoo xilka laga qaaday Mr C/waaxid Sheekh Cumar oo xilkan hayay,wuxuuna mas’uullkaan horey usoo noqday Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Yuusuf Jaalle ayaa horay madax uga ahaa Ololaha doorashada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay nin shaqo badan oo af gaaban, horayna uga soo baxay shaqooyinka loo dhiibay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here