War Deg Deg:- Madaxweynaha CAF oo Loo Diiday in uu Gudaha u Galo Garoonka Stadium Muqdisho

0
36

Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa u diiday Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda federaalka Soomaliya iyo Madaxweynaha Xiriirka kubada Cagta qaarada Africa ee CAF  in y gudaha u galaan Garoonka kubada  Cagta Stadium Muqdisho.

Mas’uuliyiin Dowladda Federaalka Soomaliya  ee la socday madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta Qaaradda Afrika Ahmed Ahmed ayaa waxaa kamid ah wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya,wasiika Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya, wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaliya  iyo ms;uuliyiinta kale.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay is hor istaag ku sameeyeen wafdi ka socday Dowladda Soomaliya iyo Xiriirka kubada Cagta qaarada Africa, islamarkaana ay u diideen in gudaha u galaan Xiriirka kubada Cagta qaarada Africa oo saldhiga Malatari u ahaa sanadihii dambe.

Lama ogo sababta ka dambeysa arintaa, iyadoo ujeedka Madaxweynaha Xiriirka kubada Cagta qaarada Africa ee Caf u yimid ay kamid ahaayeen in uu kormero ku sameeyo garoomada ku yaala Magaalada Muqdisho,islamarkaana dib u dhis lagu sameeyo Garoonka kubada  Cagta Stadium Muqdisho.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda federaalka Soomaliya iyo Madaxweynaha Xiriirka kubada Cagta qaarada Africa ee Caf ahmed ahmed ayaa haatan ku sugan Garoonka banaadir Stadium ee Magaalada muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here