War Deg Deg:-Israsaaseen dhexmartey ciidamo kawada tirsan dowlada somalia

0
245

Inta la xaqiijiyay 5-ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhimatay israsaaseyn Ciidamo kuwada Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya ku dhex martay goordhaweyd Beerta qaadka ee Degmada hodan ee Gobolka banaadir.

Qof kamid ah dadkii ku sugnaa Beerta qaadka ee Degmada hodan ee Gobolka banaadir, oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa xaqiijiyay in labada ciidan ee dagaalamay uu muran soo kala dhex galay islamarkaana ay israsaaseeyeen, taasina ay dhalisay dhimashada 5-ta ee shacabka ahaa.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay qofka shacab ah in askarta dagaalantay, uu qasaaro soo kala gaaray islamarkaana ay goobta ku kala tageen kadib markii ay soo gaareen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.

Inta badan magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa dhaca, israsaseenta dhexmarta Ciidamada kawada Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya oo inta badan ku murma lacago iyo shaki dhexdooda soo kala dhexgala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here