War Deg Deg:-Hub Lagu Dhex Qabtay Dekedda Magaalada =======

0
211

Ciidamada Ammaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa dekedda magaalada Boosaaso ku qabtay hub Bastoolado u badan oo lagu dhex qariyey dooni ay ku rarnaayeen alaabo ganacsi.

Ciidanka ayaa baaritaano ay sameeyeen ku ogaaday in doonida oo ka timid dalka Yemen ay saaran yihiin hub u badan Bastoolado, taasi oo laga dhex helay alaabaha ganacsi ee doonida saarnaa.

Wali saraakisha ciidamada ammaanka Puntland si rsami ah uma faah faahin cida leh hubka, hadii ay jiraan dad lala qabtay iyo tiro ahaan hubka la qabtay.

Hase yeeshee waxaa la filayaa in goor dhow si rasmi ah warbaahinta loogu soo bandhigo xog dhameystiran oo hubkaasi la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here