War Deg Deg:-Gudoomiye Ku-xigeenadda iyo Xoghayaha Maamulka G/Banaadir oo La badalay

0
35

Waxaa goordhaweyd isbadal lagu sameeyay Gudoomiye ku-xigeenadda iyo Xoghayaha Guud Ee Maamulka Gobolka Banaadir, kadib xil ka qaadistii gudoomiyihii hore ee Gobolka banaadir Shiikh yuusuf Xuseen Jimcaal (Madaale).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa gacanta loo geliyay dhawaan warqada magacaabista xilalka cusub, Gudoomiye ku-xigeenadda iyo Xoghayaha Guud Ee Maamulka G/Banaadir, oo ay soo daabacaday wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya, waxaana sidoo kale soo dhamaaday La tashiyo uu Gudoomiyaha la sameeyay qeybaha kala duwan.

Halkaan hoose ka Akhriso

1-G/kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa lo magacaabay. Marwo Muluuka Dheere Sh.A.qaadir.
2- Gudoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sh.Maxmaed
3-Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay: Mudane C.laahi Xaaji Erig.
4-Gudoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay: Aadan Sh Cali
5- Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here