War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
184

Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in kooxo Hubeysan ay Goordhaweyd suuqa Degmadaas ay ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.

Ragga hubeysanaa ayaa la xaqiijiyay in askariga ay ka toogteen qeybaha sare ee jirkiisa islamarkaana uu goobta ku geeriyooday.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed Baroodo wuxuuna kamid ahaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya,waxaana kooxda  hubeysan dilka kadib ay askariga ka qateen qori AK47 ah oo askariga uu watay.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya,waxaa jira howlgal Lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka askariga ka Tirsanaa Ciidamad Dowladda Soomaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here