War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo+masuulka ladiley magaciisa

0
258

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhanka Maamulka Puntland ayaa ku waramaya in Goordhaweyd Magaaladas lagu toogtay Ala Ha U Naxariistee Nabadoon Maxamuud Farey oo kamid ahaa Nabadoonada Magaaladas.

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay In ay fuliyeen dilka Nabadoonka, islamarkaana markii la dilayay uu watay gaari uu sii galinayay hoygiisa oo ku yaala Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada amaanka Maamulka Puntlad,waxaa socda howlgal lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka Nabadoon Maxamuud Farey oo kamid ahaa Nabadoonada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolk Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here