War Deg Deg:-Dagaal Goordhaweyd ka Bilowday Gobolka Hiiraan

0
34

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya Labo Meleeshiyo Beeleed uu haatan ka soconayo deegaan lagu magacaabo qod qod   u dhaw degmada matabaan ee Gobolkaas.

Gudoomiyaha deegaanka qod qod  u dhaw degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan C/laahi xirsi Hire  oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid xoogan islamarkaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu kala dhexgalo labada Maleeshiyo beeleed ee dagaalamaya, wuxuuna ka gaabsaday in uu shaaciyo qasaaraha rasmi ah ee ka dhashay dagaalka.

 

Wixii kusoo Kordha kala soco  booqasho  news

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here