War Deg Deg:-Dab Qasaare Geystay oo Goordhaweyd Ka Kacay Xiradda……………..

0
29

Wararka Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso xerada xaqootiga Badbaado oo ku taalo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in dab halkaasi uu ka kacay.

Goob jooge ku sugan halka uu dabka ka kacay ayaa waxa uu Idaacadda Simba u xaqiijiyey in dabka uu ka bilaawday Bac-qafiif ku dacday jiko shidan, halkaasina dabka uu kusii faafay guryahii cooshadaha ka sameesnaa ee ku xeernaa halkaasi.

waxuuna sidoo kale inoo sheegay in dabkaasi uusan geesan qasaaro nafeed balse halkaasi ay ku bur bureen guryaha qaxootiga oo uu dabka qabsaday waxayna guryaha gubtay lagu sheegayaa in ay gaarayaan ilaa 35 guri oo ah nuuca loo yaqaan Buushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here