War Deg Deg:-Askari Dilay Aabo iyo Wiilkiisa oo Saakay Lagu Toogtay Baydhabo

0
144

Maxakamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa saakay Magaalada baydhabo ku toogatey askari ka tirsanaa Ciidamada booliska gaarka ah ee Dowladd goboleedka koonfur galbeed Soomaliya oo horey u diley wiil iyo aabihiisa.

Askariga ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay Ciidamada booliska gaarka ah ee Dowladd goboleedka koonfur galbeed Soomaliya, kadib markii uu isku dayay in uu baxdo dilka aabaha iyo wiikiisa oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here