War Deg Deg:-Askari AMISOM oo Gaari Jiirsiiyay Wiil Dhalinyaro ahaa oo Xabsi La Dhigay

0
40

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta xabsi dhigtay darawal ka tirsan Amisom oo 9-kii bishaan gaari uu waday ku jiirsiiyay wiil dhalinyaro kirishboy ahaa oo ku sugnaa isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Barongo, John Bebwa ayaa maanta xabsi la dhigay waana darawal ka Tirsan Ciidamada AMISOM ee Soomaliya ku sugan.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Barongo, John Bebwa uu si bareer ah wiilka dhalinyaradda ahaa gaariga u jiirsiiyay islamarkaana uu isku dayay in uu baxsado balse ay gacanta u dhigeen Ciidamada nabad Sugida Dowladda Soomaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here