War Deg Deg:-Al-shabaab oo Caqabad ay Soo Wajahday, Lacagihii la Siin Jirey oo…….

0
43

Haween Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Muna Osman Jaamac oo 36 jir ah iyo Hindi Osman Diiriye oo 46 jir oo ku nool dalka mareykanka ayaa lagu kala xukumay 12 oo xabsi ah iyo 11 sano oo xabsi ah.

Muna iyo Hindi ayaa lagu helay dambi ah taageeradda Xarakada Al shabaab ee ku aadan maalgelinta iyo u sahlidda waxyaabaha ay u baahan yihiin sida uu sheegay qaaliga lagu magaacbo Anthony J. Trenga.

Koox gaareysa 50 ruux oo dalal kala duwan ka soo jeeda kuwaa oo ku kulma bar internet ah oo lagu sheekeysata ayaa la sheegay in haweenkan soomaaliyeed ay kamid ahaayeen iyagoo bil walba lacago u diri jiray gaar ahaan Al-shabaabka ka howlgala buuraha goolis ee waqooyiga soomaaliya iyo sidoo kale dagaalyahano Al-shabaab ah oo iyagu ka dagaalama xadka soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa sidoo kale haweenkan soomaaliyeed lagu eedeeyay in ay wax ka ogaayeen weerkii lagu qaaday Westgate Mall ee gudaha caasimadda Nairobi ee dalka Kenya sanadkii 2013-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here