WAR DEG DEG AH: Wariye 12 Maalmood xirnaa oo goor dhow la siidaayay

0
40

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuuso mareeb ee gobolka galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow xabsiga laga sii daayay wariye C/llaahi Warsame Rooble oo ka tirsan wariyaasha Gobolkaas ka howlgala.

Wariyaha ayaa Mudo 12 Cisho u xirnaa Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusunna oo aan la ogeyn ilaa iminka waxa uu wariyaha u xrinaa ama ay u xirteen inkastoo ay goor dhow xoriyadiisa dib u siiyeen,

Wariye Cabdullaahi Warsame ayaa wax maxkamad ah aysan soo taagin Ururka Ahlusunna kuwaas oo 12 cisho xabsi ku hayay wariyaha, waxaana xariga wariyaha horey  u cambaareeyya Ururka Suxufiyiinta Qaranka S0maaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here