WAR DEG DEG AH: RW Kheyre oo go’aan adag goor dhow soo saaray+sababta ka dambeyso

0
224

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyere ayaa waxaa uu goor dhow soo saaray go’aan adag oo deg deg ah.

Go’aanka uu soo saaray R/wasaare kheyre ayaa ah Mid ku saabsan Shaqsiyaadka iyo Masuuliyiinta lagu helo in ay Musuq maasuqeen Gurmadka abaarahay in ay si dhaqso ah u ciqaabayaan.

R/wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Maxkamadda si deg deg ah lagu saari doono islamarkaana Qofkii Musuq lagu helo la marsiin doono sharci adag.

Masuuliyiin dhowr ah oo ka tirsan Maamul Goboleedyada Dalka ayaa horey loogu eedeeyay in ay Musuq Maasuqeen Lacago,iyo Raashiin gargaar oo loogu tala galay dadka ay abaartu saameysay kuwaas oo ku sugan Gobolada Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here