War deg deg ah-: Jen Gabre oo weerar Afka ah ku qaaday M.D. F.S M. farmaajo

0
315

Jen Gabre oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Ethiopia ayaa barta uu ku leeyahay Tweterka waxaa uu ku qoray in M/weynaha Soomaaliya Max’ed C/llahi Farmaajo uu xushmeyn waayay ciidamada Ethiopia ee   ku sugan magaalada Baydhabo ayagoo qeyb ka ah hawlgalka Midawga Africa ee AMISOM.

Sargaalkaan la yiraahdo Jen Gabre oo si kooban u qoray eeda uu kala dul dhacay M/weynaha Soomaaliya ayaa yiri “M/weynaha Soomaaliya xurmo darro ayuu ku sameeyay ciidamada AMISOM gaar ahaa kuwa Ethiopia markii uu booqday magaalada Baydhabo”

Ilo xog ogaal ah ayaa BOOQASHO NEWS  u sheegay in markii M/weynaha Soomaaliya uu tagay magaalada Baydhabo Axadii in saraakiisha ciidamada Ethiopia ee Baydhabo jooga ay M/weynaha weydiisteen in laga talo galiyo arrimaha siyaasadda Soomaaliya hase ahaatee arrintaasi uu ku gacan sayray M/weyne Farmaajo.

Jen Gabre ayaa lagu eedeeyaa inuu si weyn ugu lug leeyahay siyaasadda Soomaaliya madaxdii dalka soo marayna uu si weyn ugu dhawaa, dhawr mar ayuuna kasoo muuqday muuqaalo laga duubay shirar looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here