WAR DEG DEG AH: Dil goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
33

Wararka  hadda inaga soo gaaray Isgooyska Tarabuunka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in Askar katirsan Ciidamada Dowlada ay toogasho ka geysteen halkaasi.

Askarta ayaa dishay qof shacab ah oo la sheegay in uu watay gaari yar oo ah nooca raaxada waxana la sheegay in muran soo kala dhax galay kadib rasaas ay ku fureen askarta durbana uu goobta ku geeriyooday qofka shacabka ah.

Ciidamada Dowlada ee dilka ka geystay Isgooyska Tarabuunka Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in ay ka carareen halkii ay dilka ka geysteen Waxaana goobta laga qaaday Meydka Marxuumaka la dilay..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here