War Deg Deg Ah:-Dil Goor Dhaweyd Muqdisho Ka Dhacay

0
64

Kooxo hubeesan ayaa waxa ay  dileen  sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaana Simba ay wararka ku heleysaa in sarkaalkaasi uu ku sugnaa isgoyska Maana-Booliyo.

Kooxaha hubeesan ayaana waxa ay rasaas ooda kaga qaadeen sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali, dilka dabadeedna kooxaha dilka geestay ayaa waxa ay iskaga baxsadeen goobtasi.

Waxaa goobta uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamada  Dowladda Federalka Soomaaliya oo halkaasi ka bilaabay howl gal lagu baadi goobayo kooxaha dilka geestay.

Waayahii dambe waxaa isasoo taraaye dilalka loo geesto askarta ka tirsan ciidamada Dowlada Federaalka Soomaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here