WAR DEG DEG AH: Dagaalka u dhexeeya Al-Shabaab oo hada ka socda gobalka

0
696

 

Wararka Wakaalada booqasho.com oo  ay ka helayso Gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa ay sheegayaan in Halkaas uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab dhaxdooda.

Dagaalka Al-Shabaab dhaxdooda ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaano badan oo ka tirsan Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Sababta ay Al-Shabaab u dagaalameen ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay in ay isku qabteen in ay ka ku biiraan Daacish iyo Koox diidan oo Rabta in ay ka sii mid ahaadaan Al-Qaacidda.

Dagaalka Al-Shabaab u dhaxeeya waxaa uu sababay Khasaaro xoogan oo dhaxdooda ah waxaana dadka qaar ay sheegayaan in moolo badan oo Jubbooyinka ah laga dareemayo xiisada.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore dhaxdooda u dagaalamay sidaan oo kale waxaana ay iska dileen saraakiil sare oo magac ku dhax lahaa Ururka dhexdiisa, oo ay ka mid ahaayeen Macalin Burhaan iyo Abuu mansuur al Ameriki.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here