War Cusub:-Dagaal M/weyne Farmaajo Iclaamiyay oo Sharuudo Adag Lagu Xiray+Go’aankaas oo Lagu Deg Degay…

0
35

 

Madaxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo, ayaa sheegay in dowladiisa ay xoogga saari doonto la dagaalanka Faqriga , waxaana uu sheegay in dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed  ay shaqo la aan yihiin .

Wuxuu Tilmaamay in si faqriga loola dagaalamo loo baahan yahay in marka hore  xoogga la saro dagaalka al-shabaab iyo Musuq maasuqa, waxaana uu sheegay in hadii labadaas laga guuleysto ay taasi micnaheeda tahay in faqrigana laga baxayo laakiin inay ay jiraan aysan suura gal aheyn in faqri laga boxo.

Dhnka kale madaxweyne Farmaajo ayaa muddo 60 cesho ah u qabtay ururka al-shababa , waxaana uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah .

Mdaxaweyneihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidan oo kale doorashadiisi kadib wuxuu al-shabaab u  qabtay muddo 45 cesho ah , waxaana jira aqoonyahanada Soomaaliyeed qaar oo qaba in madaxweyne Farmaajo uu hadalkaas ku deg degay .

Aqoon yahanadu waxay leeyihiin ku dhawaaqista dagaalka al-shabaab ee madaxweynaha iyo in  60 maalmood ay isku soo dhiibaan iyo waliba taliyaashii uu shalay magacaabay intuba ay yihiin kuwo qawda maqashii waxna ha u qaban u muuqda.

Taliyaasha la magacaabay ayaa intooda badan xilalka loo magacaabay soo qabtay intii uu xilka hayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh , waxaana xilka looga qaaday kadib markii ay wax ka badali waayeen xaaladda amni ee dalka gar ahaan Muqdisho oo hooy u ah dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Waxay sheegeen si looga dhabeeyo dagaalka uu madaxweynuhu  iclaamiyay inay u baahan tahay arom dhowr ah oo ay ka mid yihiin 1: in waqti badan la siiyo dagaalka si loo xaqiijiyo in awoodda dalka ay hanteen ciidamada dowlada Soomaaliya balse aan 60 maalin loo asteen .

2: in shacabka ay qeyb ka noqdaan dowlada Soomaaliya si ciidamada niyad dhis iyo awood ugu yeeshaan dagaalka loona helo iskaashi buuxa oo dowlada iyo shacabka ah .

3: in la joogteeyo mushaarka ciidamada dowlada Soomaaliya op si gaar ah looga rabo xukuumadda .

Madaxweynaha ayaa shalay iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab , Musuq maasuqa ka jira dalka iyo Faqriga, waxaana uu al-shabaab siiyo fursad 60 maalmood ah ..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here