Wafdi Ka Socda Turky-ga oo Muqdisho Kusoo Wajahan +sababta

0
25

Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaare ku-xigeenka Dowladda dalka Turky-ga Mehmet Şimşek ayaa maanta lagu wadaa In ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Amaanka qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa wadooyinka qaar lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM oo amaanka xaqiijinya.

Raisulwasaare ku-xigeenka Dowladda dalka Turky-ga Mehmet Şimşek markuu muqdisho soo gaaro waxa uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya wuxuuna kala hadli doonaa xiriirka Labada.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in wafdigaan uu horudhac u yahay wafdi Madaxweynaha dalkaas oo 4-ta bishaan la filayo in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here