Wada hadalkii Ahlusunna iyo Galmudug oo lagu kala boodey +sababta

0
219

Warar hoose oo ay heshay Wakaalada BOOQASHO NEWS  ayaa waxaa ay sheegayaan in Wada hadalkii u furmi lahaa Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna ay ku hor gudban yihiin Caqabado badan oo ay ka mid tahay Shuruudo adag oo ay wataan Maamulka Ahlusunn.

Ahlusunna Ayaa furmitaanka Wada hadalka waxaa ay shuruud kaga dhigtay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin 1-in la dhiso baarlamaan Cusub oo ka kooban 90 Xildhibaan oo 60 ka mid ah ay ka imaanayaan Dhanka Ahlusunna.

2-In guud ahaan la kala diro Baarlamaanka Galmudug ee hadda dhisan kuna soo biiraan Maamulka Ahlusunna iyo in aan la aqoonsaneen Maamulka Galmudug, shuruudahaas oo noqday kuwo si aad ah ay uga caroodeen Madaxda Maamulka Galmudug.

24 April oo shalay ku beegneyd ayaa balantu aheyd in la soo gaba gabeeyo wada hadalka Ahlusunna iyo Galmudu oo ay garwadeen ka tahay dowlada balse Maalintii lagu dhawaaqay Wada hadalka ilaa waqtigan waxaa uu u xaniban yahay shuruudo ah ay wataan dhinacyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here