TOPNEWS:-Wax Ka Ogow Inta Guryo ee Lagu Gubay Weerar Abaabulan oo Ka Dhacay Deg……..

0
60

Maamulka Deegaanka Xawaadley Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in xiisad u dhaxeysay dad xoolo dhaqato ah iyo dad beeraley ah in ay sababatay in la gubo guryo badan oo ku yaalay deegaankaas.

Gudoomiyaha Deegaanka Xawaadley Cabdule Macaani Adeeroow oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xiisada ay ka dhalatay isqabsi dhul oo u dhaxeeyay dad xoolo dhaqato ah iyo dad beeraley ah islamarkana dhinac kamid ah ay gubeen guryo badan oo ku yaalay maqdas iyo kulmis oo ku yaala isla deegaanka.

Cabdule Macaani Adeeroow waxa uu tilmaamay in deegaanka guryihii ku yaalay gabi-ahaanba dhulka la dhigay islamarkaana, dadkii ku noolaa deegaankaas ay ka barakaceen cabsi ay ka qabanaan waxyeelo kasoo gaarto dhinacyadda colaado u dhaxeyso.

Dhanka kale Gudoomiyaha Deegaanka Xawaadley Cabdule Macaani Adeeroow ayaa sheegay in odoyaasha iyo waxgaradka deegaanka Gudoomiyaha Deegaanka Xawaadley Cabdule Macaani Adeeroow ay saakay ku howlan yihiin sidii oo xalin lahaa dhinacyadda dagaalamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here