TOPNEWS:-Wasiiradda Hore oo Maanta Xilal wareejinaya+imisa Beel ayaa Xilal La Wareegaysa

0
57

Sida horey loo qorsheeyay waxaa saakay bilowday xil wareejin ay sameenaya wasiiradii Hore ee Xukuumadii Raisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, iyagoo ku warejinaya Wasiiradda cusub ee Raisulwasaare Xasan Cali kheyre.

Sida qorshaha uu maanta yahay waxaa xilalka wareejinaya Wasiiradda Maaliyadda, amniga, arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo wasiiro kale, waxayna xil wareejinta ay ka socotaa Xarumaha Wasaaradaha.

Wasiiraddii Hore ee Xukuumadda Soomaliya ayaa wasiiradda Cusub Xukuumadda Soomaliya ku wareejin doona document-yo iyo waxyaabihii ay qabteen mudadii ay xilalka hayeen sida qorshaha uu yahay.

Shirkii ugu horeeyay ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo khamiistii dhacay waxaa lagu shaaciyay in wasiiradda Cusub ee Xukuumadda Soomaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka kala wareegi doonaan wasiiradii Hore, si ay u gutaan howlaha xiligaan horyaala.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here