TOPNEWS:-Shiikh Shariif oo Kasoo Horjeystay War Lagu Baahiyay Baraha Bulshada

0
43

Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shiikh Shariif shiikh Axmed oo qoraal soo dhigay Bartiisa arrimaha Bulshada ayaa si kulul u beeniyay in uu madax ka ahaa kulan ka dhacay Mgaalada Muqdisho kaasi oo loogu soo horjeeday Dowladda Cusub ee Soomaliya.

“Anigoo ah Shariif Sheikh Axmed ahna madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya waxaan shacbiga Soomaaliyeed la socodsiinayaa in aanan wax war ah ka heyn shirka la sheegay in uu ka dhacay magaalada Muqdisho isla markaana lagu sheegay in looga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya”,

Sidoo kale Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shiikh Shariif shiikh Axmed ayaa tilmaamay in aysan jirin koox ama reer magaceyga u isticmaali karta anigoo maqan iyo aniga oo jooga go’aanno shaqsiyaad ay gaareen wax wakaalad ahna aan iga heysan.

Ugu dambeyntii waxaan bulshadeyda u xaqiijinayaa inaan si buuxda oo shuruud la’aan ah u taageersanahay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna waajib nagu tahay inaan taageerno oo gacmaha aan is qabsanno si dalkeena aan u badbaadinno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here