TOPNEWS:-Nabad Sugida oo La Sheegay in Ay tahay aaladda kaliyah ee…………

0
48

Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed, oo ka qeyb galay xil wareejin uu sameenayay Wasiirkii Hore ee Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed islamarkaana uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee Amniga ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka ay yihiin kuwa ugu Muhiimsan Sugida amniga dalka.

Mahdi Maxamed Guuleed Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya ay la shaqeynayso shan waaxood oo kala ah, Hay’adda Nabad Sugida, Booliska, Socdaal, Maareynta musiibooyinka, iyo dhaqan celinta islamarkaana mid walba ay ku leedahay dhowr wanaagsan dhanka Amniga.

Waxa uu sheegay Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaliya Mahdi Maxamed Guuleed in Ciidamada nabad sugida ay ka qeyb qaataan in la darso, qataraha dalka kusoo wajahan, sida cudurada, kooxaha qatarta ku ah amniga, goobaha amnidarada ay ka jirto iyo Waxyaabo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here