Topnews:-Dowladda Soomaliya oo War Kasoo Saartay Heshiiska Galmudug iyo DFS

0
37

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay Magaalada Cadaado ee Caasimada kmg ah ee Maamulka Galmudug oo guul ku soo dhamaaday.

Wasiir Juxa oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay ujeedka ay Magaaladaas u gaareen uu guul kusoo dhamaaday islamarkaana ay kulamo la tashi ah ay la leeyihiin Madaxda Maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Wafdi aan hogaaminayay oo shalay gaaray magaalada Cadaado si wanaagsan ayaa loo soo dhaweeyay, arrimaha ugu waa weyn ee Cadaado u gaaraan waxaa ugu muhiimsanaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha maamulkaas, doorashada waxaa dib loo dhigay muddo 3-todobaad ah, codsiga oo markii hore ka yimid Raisulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre waxaa ujeedkiisa uu ahaa in la qanciyo Maamulka Ahlusuna Waljeemaca si ay doorashada Galmudug ugu qeyb galaan”, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax Juxa.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa tilmaamay in wafdiga uu isaga hogaaminayo ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here