TOPNEWS:-Dowladda Soomaliya oo Ethopia Kala Hadlaysa Wariye u Xiran Muddo 10-sano ah

0
175

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay ka shaqeyn doonto sidii xabsiga loogu sii deyn lahaa Wariye Maxamed Aweys Muuddeey (Boqorka Bartamaha) oo kamid ah wariyaasha Soomaliyeed oo 10 sano ka badan Itoobiya u xiran.

“Weriye Maxamed Aweys Muuddeey waa muwaaddin Soomaaliyeed, welibana waa nin aan in badan soo wadashaqeynay. Mas’uuliyad ayaa iga saaran. Inta sharcigu oggol yahay, waxba kama hagran doono”, ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Dibada Dowladda Soomaliya ay mar walba ka shaqeyn doonto sidii loo garab istaagi lahaa Muwaadiniinta Soomaliyeed ee lagu dhibaateenayo dalalka caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here