TOP”NEWS: Al-shabaab oo la waregey Deegaanka Goof-gaduud

0
31

Wararka ka imaanaya deegaanka Goof-gaduud Shabeelow oo 30-KM u jira Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay la wareegeen deegaankaas, kadib markii ay isaga baxeyn Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa koonfur Galbeed Soomaliya.

Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka koonfur Galbeed Soomaliya oo la hadlay BOOQASHO NEWS ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa koonfur Galbeed Soomaliya in ay isag baxeyn deegaanka, dibna ay u qabsadeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo ku sugnaa meel aan sidaas ugu fogeyn deegaanka.

Si dhab ah looma oga sababta keentay in Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa koonfur Galbeed Soomaliya in ay isaga baxaan deegaanka Goof-gaduud Shabeelow oo u dhow Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here