Top News:-Taabith Maxuu Kusoo Arkay Gobolka Banaadir

0
36

Taabith Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa kormeer maanta ku tagay xafiisyada Dowladda Hoose waxaane kormeerkiisa ku wehliyey gudoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Goobaha uu booqday gudoomiyaha cusub waxaa kamid ahaa xarunta visho kuweerno xarunta dab damiska  iyo xarun ay yaalaan gaadiid ay dhawaan dowladda turkiga ay ku wareejisay maamulka gobolka banaadir iyo xarumo kale oo ay ku shaqeeyan dowladda hoose ee Hamar.

Booqashada gudoomiyaha cusub ee uu ku booqday xarumaha muhiimka ah ee uu ku shaqeeyo maamulka gobolka Bnaadir ayaa markii ay soo idlaatay waxaa warbaahinta fah faahin ka siiyey ujeedka booqashadaasi  afayeenka maamulka gobolka banaadir cabdi fitaax cumar xalane.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here