TOP NEWS:-Maxa Kasoo Baxay Kulankii Dhexmaray Puntland iyo Al- Saadicuun Bil Xaq

0
148

Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland waxaa maanta ku kulmay ) Taliyaha ciidanka la dagaalanka Puntland General Muxyadiin Axmed Muuse, guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Cumar Faraweyne iyo labo xubnood oo ka tirsan urur diimeedka Saadicuun.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Cumar Faraweyne ayaa sheegay inay xubnahaan u cadeeyeen inay jameecaddoodu ahayn ururka Takfiirka ee dadka gaalaysiinaya, kanasoo horjeedaan kooxdaas iyo afkaartooda.

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Cumar Faraweyne inay u cadeeyeen inuu fikirkoodu yahay mid dadka ugu yeeraya diinta Islaamka islamarkaana aan sidoo kale dadka gaaleysiinayn, sida horey loogu eedeeyay.

Qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ah.

Inaysan kamid ahayn urur diimeedka Takfiir.

Inaysan wax ah hub ah qaadan karin.

Inaysan sameyn karin wax tababar ciidan.

inaysan siyaasad ku jirin gelina karin.

Inaysan nabad gelyada Puntland dhibaato ugeysan.

Inay diyaar u noqdaan inay Puntland iyo cid walba oo fekerkooda kasoo horkeeda la kulmaan, si wax looga weydiiyo afkaartooda.

Inay Puntland la kulmi karaan.

Inay Puntland iyo shacabka ka aaminsan yihiin dad muslim ah islamarkaasna aysan cidina ku sheegi karin Gaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here