Top News:-C/raxmaan C/shakuur oo Weerar Afka ah Ku qaaday Dowlada Farmaajo+Galmudug Iyo Ahlusunna……

0
22

Dr. Abdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ahaa Musharaxiitii u taagnaa qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiiskii shalay lagu saxiixay Magaalada Cadaado.

Akhriso Hadal uu Abdiraxmaan Cabdishakuur ku soo baahiyay Bartiisa Facebook:

Waxaa muuqda rabitaan iyo bisayl siyaasadeed oo ay muujiyeen maamulka Galmudug iyo kan Ahlu Sunna Waljamaaca, xubnaha Aqalka Sare iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Galmudug, kuwaasoo isku raacay in danta Galmudug ku jirto dib u heshiisiin buuxda oo dhexmarta maamulka Galmudug iyo ASWJ.

Waxaan ku bogaadinayaa Xukuumada Federaalka dadaalka ay ku doonayso in ay uga mira dhaliso dib u heshiisiin buuxda oo deegaankaas ka hir gasha iyo dhismaha maamul loo dhanyahay si loo soo afjaro kala qob qobnaanta deegaanka ka jirtay.

Xukuumada waxaa looga fadhiyaa in ay la timaado qorshe cad, qariidad na u jeexdo hawlaha dib u heshiisiinta, samaysana jadwal waqtiyeysan kaa soo ku jaan go’an xiliga lagu heshiiyey in doorashada Madaxweynaha la qabto 30.04.17.

Waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo ASWJ in ay masuuliyadooda qaataan, muujiyaan dabacsanaan iyo isku tanaasul looga mira dhilayo danta dadka iyo deegaanka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here