Tiro ka badan 206 qof oo ku dhimatay daadad xooggan oo ku dhuftay Waqooyiga dalka

0
42

In ka badan 206 qof ayaa ku dhimatay daadad xooggan oo ku dhuftay Waqooyiga dalka Colombia.

Daadadka xooggan oo watay dabeylo ayaa inta badan burburiyay Magaalooyinka ku yaalla Waqooyiga dalka Colombia , waxaana Saraakiisha  Caafimaadka ay sheegayaan in ilaa iyo hadda la helay Meydadka 206 qof.

Magaalada Mocoa ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay Waxyeelado gaartay in ka badan 350,000 oo qof ayaana naftooda la cararay oo ka gudbay xadka dalka Colombia uu la wadaago dalka  Ecuador.

Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in lala’yahay 220 qof ,islamarkaana daadadkaasi ay ku dhaawacmeen 300 qof.

Madaxweynaha dalka Colombia Juan Manuel Santos ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen , waxaana uu ku dhawaaqay musiibo qaran in ay dhacday.

Ciidamada gurmadka deg deg ah ayaa wali waxa ay wadaan Samatabixinta dadka ay waxyeeladu gaartay.

4123

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here