Taaw“Dhaqaalle Iyo Hub Ciidamo Aan U Diyaarsaneen Farmaajo Ayuu Iclaamiyay Dagaal

0
39

 

Axmed Xaaji Maxamed (Taaw) oo ah xildhibaan kamid ah golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Idaacadda Simba la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku fududaaday dagaalka uu iclaamiyay oo lagu qaadayo Al-Shabaab sababtoo ah buu yiri ciidamadda uma diyaarsana dagaal marka laga eego dhan dhaqaalle iyo hubka ay ku dagaalami lahaayeen .

“Madaxweynaha kahor intii uu ku dhawaaqin in dagaal la gallo waxaa ka haboonaa lahayd in uu ugu horeyn uu ogaado in ciidamada ay yahiin kuwa u diyaarsan in ay dagaal galaan, markaas kadib uu dagaalka ku dhawaaqo “ ayuu yir xildhibaanka.

Xildhibaan Taaw ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim ahayd in ay xoogaa ay sii joogan hogaankii hore ee laamaha amaanka, waxauuna sheegay in isbadalku uunan ahayn shaqsiga ee uu isbadalku yahay qaabka iyo shaqadda guud.

“Anaga waxaan wakiil ka nahay shacabka Soomaaliyeed, Xukuumadda waxay diyaarsatay barnaamijyo anaga waxaa noogala baahanyahay in aan ku koontaroono waxay qabanayaan haday wax wanaagsan qabtaan waan ku bogaadineynaa hadii ay wax qaban weydana la xisaabtan ayaa jira baarlamaankana waxuu u joogaa in uu saxo oo uu la xisaabtamo waxii qaladaad ah ee dhaca”.

Ugu dambeyntiina hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadayo iyadoo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ferdaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu iclaamiyey dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here