Somaliland Oo Si Adag Kaga Hadashay Mooshin ay Wadaan Xildhibaanada Soomaaliya

0
42

Xili dhowaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay soo gudbiyeen Mooshin ka dhan ah heshiiska Imaaraadka iyo Maamulka Soomaaliland ee ah in Imaaraadku uu saldhig Militari ka dhisto magaalada Berdera ayaa arintaas waxaa si kulul uga hadlay Maamulka Soomaaliland .

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland  Xuseen Cige, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Heshiiska  Somaliland iyo Imaaraadka aysan jirin cid hakin karta ama joojin karta.

Wuxuu sheegay Mooshinka ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka keeneen Saldhigga Berbera hadii uu dhaqan galo inuu dhaawici karo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya , waxaana uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka aheyn Horumarka Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.

“Baarlamaanka Soomaaliland oo ka aqoon badan baarlamaanka xamar lagu soo aruuriyay  ayaa Siilaanyo u saxiixay in xukuumadda Somaliland ay Heshiis la gali karto ciddii ay doonto , waxaana Muushanka ay Xildhibaanada Soomaaliya ay keeneen inuu dhaaw ku noloneyaa Cilaaqaadka inagala dhexeeya , maxaa Heshiisyada Soomaaliland ay galeyso kaliya tusay iyagoo aan ka war heyn oo aah la marsiin ayaa Turkigu saldhig  ciidan ka sameystay Xamar.” Ayuu yirI Xuseen Cige.

Soomaaliland ayaa u muuqata mud cabsi ka muujineysa in heshiiskii ay la gashay Imaaraadka uu fashil ku yimaado hadii Baarlamaanka Soomaaliya ay ka hor yimaadaan , waxaana sidoo kale arinkan shalay ka hadkay Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah musharixiinta Soomaaliland ahna gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid .

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Todobaadyada Soo socda ka doodi doona Mooshinka Saldhigga Imaaraadka ee Berbera , iyadoo dooda kadibna cod loo qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here