Shaxda Rasmiga Ah Ee Bayern Munich Vs Real Madrid, Robert Lewandowski Oo Kulankan Seegayo

0
37

Bayern Munich ayaa Allianz Arena ku soo dhawaynasa kooxda koobka Champions Leaque-ga difaacanaysa ee Real Madrid waxayna kulankan iskaga hor imanaya Carlo Ancelotti iyo caawiyihiisii Real Madrid ee Zinedine Zidane oo hadda ah tababaraha kooxda kowaad ee Los Blancos.

Warka ugu wayn ee ka hor kulankan ayaa ah in xidigii goolasha ugu badan u soo dhaliyay Bayern Munich ee Robert Lewandowski uu kulankan taam u noqon waayay kadib markii uu dhawac garabka ahi ka soo gaadhay kulankii Dortmund ee horyaalka Germany.

Laakiin goolhaye Manuel Neuer ayaa goolka ku soo bilawday kadib markii uu seegay kulamadii ugu danbeeyay isla markaana uu ka soo kabsaday qaliin fudud oo uu maalmo ka hor maray. Sidoo kale Thomas Muller oo isna dhaawac la maqnaa ayaa kulankan ku soo bilawday waxaana sidoo kale shaxda Carlo Ancelotti kuwada jira Arjen Robben, Frank Ribery iyo Alonso oo ka hor imanaya kooxdiisii hore ee Madrid.

Zidane ayaa goolkiia ku soo bilaabay Navas waxaana afarta difaaca ah ku wada jira Carvajal, Ramos, Nacho iyo Marcelo halka khadka dhexe ay wadaagi doonaan Modric, Casemiro iyo Kroos oo ka hor imanaya kooxdiisii hore ee Bayern Munich waxaana weerarka ku wada jira BBC.

SHAXHAA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD;:

 

BAYERN MUNICH:  Neuer; Alaba, Boateng, Martinez, Lahm; Vidal, Alonso; Ribery, Thiago, Robben; Muller.

 

KAYDKA: Ulreich, Costa, Rafinha, Bernat, Coman, Kimmich, Sanches

 

REAL MADRID: Navas; Carvajal, Ramos, Nacho, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Ronaldo.

 

KAYDKA: Casilla, James, Kovacic, Asensio,Morata, Isco, Danilo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here