Sawirro +Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan oo Muqdisho soo garey

0
48

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta soo gaaray magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha aadan cadde ee magaalada muqdisho wafdigaan ka socda Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca kusoo dhaweeyay Madax ka Tirsan Dowladda federaalka Soomaliya iyo shacab Soomaliyeed.

Muxudiin Cali Jimcaale(jakuula) oo ah madaxa Warfaafinta maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in wafdigaan ay kasoo amba-baxeyn Magaalada Dhuuso mareeb ee xarunta gobolka Gobolka Galgaduud, islamarkaana ay ka qeyb gali doonaan wada-hadalka Ahlusuna iyo Galmudug ee garwadeen ay ka tahay Dowladda Dhexe ee Soomaliya.

Dhawaan heshiiskii ay kala saxiixdeen Dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo Maamulka Galmudug ee Magaalada Cadaado qodobada ku jiray,waxaa kamid ahaa in Ahlusuna iyo Galmudug ay yeesheen kulamo dib u heshiisiin, islamarkaana 30-bishaan la qabto doorashada Madaxweynaha Cusub ee Dowladd goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here