Rag Lagu Soo Qabtay Qaraxyo oo Baydhabo lagu Toogtay

0
39

Maxkamadda ciidamada qalabka ayaa saakay aroortii Xukun dil ah ku fulisay 4-nin oo lasoo qabtay qaraxyadii sanadkii aynu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow, guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad Gaashaanle sare Xasan Cali Shuute, wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ku sugnaa halka lagu fulinayay Xukunka dilka.

Siyaad Xasan Faarax,Sharmad Aawow Maxamed,Xasan Aadan Mursal, C/ladhiif Macalin Aadan ayaa saakay lagu toogtay Magaalada Baydhabo kadib markii lasoo qabtay qaraxyii sanadkii aynu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Baydhabo.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ku xukuntay ragaan dil toogasho ah Tariikhda marka ay aheyd 12/03/2017, waxaana ay ku eedeysnaayeen iney ka dambeeyeen qaraxyo ka dhacay magaalada Baydhabo ee Caasimada Kmg ah ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya 28-kii Febraayo 2016, kuwaasi oo lagu dilay 80 qof oo Maqaayad ku shaaheynayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here