Nin is diley markii ay xoolahiisa abaarta ka laysey

0
109

Wararka ka imaanaya Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Nin da’a ahaa oo Xoolihiisu ay ku dhamaadeen Abaarta ka jirta Gobolkaas uu xalay isku dilay tuulo hoostagta degmaas.

Mid kamid ah dadka deegaanka Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay idaacaddda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in dhacdadaan ay dhacday habeenimadii xalay aheyd, ninka is dilayna ay ka dhamaadeen xoolihii uu haystay abaarta Soomaliya ka jirta awgeed.

“Dhacdada ninkaan isku dilay waxay ka dhacday deegaan dhaca galbeedka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, ninka is dilay 54-sano jir ayuu ahaa, waxaa ka dhaamaday xoolihii uu haystay, afar neef oo u hartay markii ay ka la’deen ayuu isdilay”, ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here