Musharax Taageero ka dalbaday dowladda Turkey si uu unoqdo Madaxweynaha…

0
87

Safiirka Dowladda Turkey ujooga magaaladda Muqdisho Olgan Beker ayaa kulan lama filaan ah la qaatay mid kamid ah musharaxiinta utaagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug State.

Kulankan oo ka dhacay safaaradda Turkey ayaa waxaa musharax Axmed Shariif uu ku doonayay in dowladda Turkey ay ku taageerto doorashadiisa.

Musharax Axmed Shariif ayaa safiirka Turkey usheegay in hadii uu noqdo madaxweynaha Galmudug uu doonayo in Turkey ay mashruucyo waa weyn ka fuliso deegaanadda Galmudug.

Safiirka Turkey Olgan Baker ayaa dhankiisa musharaxa madaxweynaha umuujiyay taageero weyn, isla markaana ku dhiira geliyay dadaalka uu ku doonayo inuu wax uqabto dadka degan Galmudug.

Sidoo kale Safiirka ayaa balan qaaday in mashruucyadooda ay gaarsiin doonaan deegaanadda gobollada Mudug iyo Galgaduud si dadka loogu faa’ideeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here