Mid ka mid ah aktaradii ugu caansanaa aflaamta Hindiga oo maanta geeriyooday (Daawo Sawirro)

0
271

Waxaa maanta geeriyooday aktarkii weynaa ee Vinod Khana oo ku caan baxay aflaamta hindiga kaasoo Soomaalidu u taqiinay (Mastaana).

Vinod Khana oo 70 jir ahaa ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyey xubno ka tirsan aheladiisa, waxayna wararku sheegayaan in aktarkan uu u geeriyooday kansar kaga dhacay kaadi heysta oo mudooyinkan uu la ildarnaa.

Aktarkan oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamanka wadanka India ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Mumbai maanta saacadu markii ay aheyd 11:20 barqanimo ee xiliga wadanka India.

Vinod Khana ayaa wax ka jilay ku dhowaad 150 filim oo qaarkood ilaa hadda si weyn loo jecel yahay kuwaasoo isugu jira jaceyl iyo dagaal, waxaana ka mid ahaa Dayavan, Qurbani, C.i.d, Mere apne, Muqaddar ka Sikandar, iyo qaar kale oo badan.

Galabta xiliga Hindiya marka ay ahayd 4:00 galabnimo ayaa la aasay Vinod khana, waxaana ka soo qayb galay tacsidiisa qaar ka mid ah jilaayasha Bollywood-ka sida Amitabh Bachchan, Abhishek Bachchan, Rishi Kapoor, Subhash Ghai, Randeep Hooda, Jackie Shroff, Arjun Rampal iyo kuwo kale.













LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here